RW KHAYRE: Waa in sare loo qaado Aqoonta Dhallinyarada si ay u Horuariyaan Dalka

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha saddexaad ee hoggaanka iyo hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho, isagoo sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada.

Khayre ayaa sheegay in si awoodaha dhalinyarada looga faa’iideeso ay tahay in dhalinyadu waxbarashada ku dadaalaan, isu abaabulaan sidii awoodda dalka gacantooda ugu soo noqon laheyd, caawiyaan laamaha amniga, ka qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqmaasuqa, una dul qaataan xanuunka la maraayo si mutqabal wanaagan loo gaaro.

“Waxaa lagu jiraaa qarni aadan noolaan karin hadii aadan aqoon laheyn. Si aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed loo dhiso oo aan ula tartanno bulshada adduunka waa inaan leenahay iskuullo iyo jaamacado soo saara dad aqoon leh. Waa inaan kobcinnaa dhaqaalaha dalka, la dagaalnaa Musuqmaasuqa, amniga wax ka qabannaa, si aduunyadu noo aaminto waa in aan xanuun marnaa. Xanuunka cidda mareysa ee u adkeysanaysa waa cidda dooneysa in ay Mustaqbal yeelato, cidda mustaqbalka lehna waa adinka. Waa in aad isu abaabushaan qaabkii awoodda dalku gacantiinna ugu soo noqon lahayd,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha waxa uu dhalliyada ku dhiirri geliyay in aysan u dhaqmin sida qof gurigiisa marti ku ah, dhex-dhexaadna aysan ka noqon mustaqbalka dalka Soomaaliyeed isaga oo ku adkeeyay in si dalka loo gaarsiiyo Mustaqbal wanaagsan ay tahay in dhaqankii hore la bedelo, doodana laga furo dhibka dalku soo maray, sababta ay ku timid, sababta xilliga dheer ay ugu qaadatay dadka Sooomaaliyeed in ay ku jiraan dhibka iyo sida looga bixi karo.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu qasbanyahay in la dhagaysto codka iyo talada milkiilayaasha dalka oo ah dhallinyarada hase yeeshee ay tahay in dhallinyardu ka shaqeeyaan qaabkii ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda dalka.

PUNTLAND POST