Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka oo Weerar afka ku qaaday Madaxda Dowladda


Muqdisho (PP) ─
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/casiis Ibraahim Cali [Xildhibaan] ayaa weerar afka ku Qaaday Madaxda Dowladda iyo Xukuumadda Federaalka Somalia, isagoo su’aal ka keenay sababta ay ku suura gashay in gaari qarax ah uu soo gudbo goob qad cagaaran ah.

Mudane Xildhibaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in isla xisaabtan dhab uu yimaado, balse isla xisaabtanka aanu noqon mid afka ah.

“Sidee suuro-gal ku noqotay in shalay Qarax uu dhaco, sidee Baabuurka uu ku yimid meeshaiyadoo magaalada qad-cagaaran uu ka jiro, ma arkin hoggaamiye fuliya balan-qaadka shacabka, hadana maalin kasta aad u sacbisaan,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku daray in mar walba la doorto Madax tuugo ah oo boorso wadata oo ka adeeganeysa shacabka, isla markaana aanay jirin qof isku casilaya xil uu gudan waayay.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dhibaato ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay mar magaalada ka fuliyaan weerarro ay dhiig badan ku daadiiyaan.

Ugu dambeyn, Weerarkii ismiidaaminta iyo tooska isugu jiray ee ay Kooxda Al-shabaab shalay ka geysteen Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ku dhaw 20-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aad u fara badan.

Haddaba, halkan hoose ka DAAWO hadalka Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka DF;

PUNTLAND POST