Ra’iisul Wasaaraha DF oo sheegay inay jiraan kooxo caadeystay laaluusha iyo inay si…

Muqdisho (PP) ─ Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ku Celiyay in ay laali doonaan dhammaan dhaqamada xun oo uu kamid yahay Musuq-maasuqa.

Kheyre waxa uu sheegay inay la dagaalamayaan shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan loo dulqaadin Karin in laaluush la qaato.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Somalia ay horay u socoto lana aqbali doonin, wax kasta oo dib u dhigaya, isagoo ku tilmaamay kuwa musuqmaaasuqa wada inay doonayaan in dib ay u dhigaan dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay inaan laga raali noqonayn shaqsiyaad ka tirsan dowladda oo ku mashquula qaadashada Laaluushka, kuwaasoo uu sheegay inay ka sifeyn doonaan xarumaha dowladda.

Dhanka kale, hadalka Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan hadallo badan oo la isla dhex-marayo, kuwaasoo sheegaya inay jiraan kooxo ku sifoobay musuq-maasuqa oo ku mashquulsan laaluus inay hantida dowladda lunsadaan.

Ugu dambeyn, Somaila ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana xusid mudan in xukuumadda  Ra’isul Wasaare Khayre ay kal hore ansixisay, xeerka la dagaalanka Musuq-maasuqa.

 

PUNTLAND POST