Madaxweynaha Somalia oo Booqday Magaalo Taariikh u leh Ummadada Soomaaliyeed

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Magaalada Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

Madaxweynaha oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Jabuuti, waxgaradka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Carta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo,” ayuu Farmaajo ku yiri hadal uu jeediyay.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku daray. “Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa caawa ku hoyan magaalada Carta si uu kulamo gooni gooni ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladan.

Ugu dambeyn, Soo dhaweynta Madaxweynaha DF ee Carta waxaa ka qayb-qaatay Wasiirro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta, Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Somalia, Aadam Xasan Aadam (Beleloo).

PUNTLAND POST