Dowladda Australia oo Taageertay go’aan ka soo baxay Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya

Melbourne (PP) ─ Iyadoo dhawaan ay kooxda Al-shabaab soo saartay go’aan ay kaga mamnuucday deegaannada ay maamusho isticmaalaha bacaha ayaa waxaa go’aankaas soo dhaweeyay Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Australia Tony Abbott.

Tony Abbott, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid wanaagsan, isgaoo qiray in bacaha ay khatar ku yihiin dadka iyo xoolaha, sidaas daraadeedna uu go’aankan yahay mid qayb ka qaadanaya ilaalinta deegaanka.

“Ururka Al-shabaab ma jecleysan inay sii jiran, laakiinse waxaan aad u soo dhaweynayaa go’aanka ay deegaanadooda uga mamnuucayaan isticmaalka bacaha oo khatar ku ah deegaanka iyo noolaha,” ayuu yri Mr. Abbott.

Sidoo kale, hoggamiyahan hore ayaa sheegay in bacaha ay khatar halis ah ku hayaan Deegaannada laga isticmaalo, wuxuuna horay u soo jeediyey in bacaha laga mamnuuco magaalada Woolworths ee dalka Australia.

Ra’isul wasaarihii hore ee Dalka Australia ayaa xusay in ka badan 3.9 billion oo baco ah lagu adeegto sannad kasta laga isticmaalo qaybo ka mid ah gobollada dalka Australia.

Ugu dambeyn, Go’aanka kasoo baxay kooxda Al-shabaab ee isticmaalka baca lagu mamnuucay ayaa noqday mid lala yaabay, iyadoo dad intooda badna ay soo dhaweeyeen, si wax looga qabto dhibaatooyinka ay bacuhu u geystaan deegaanka iyo noolaha.

PUNTLAND POST