Sheekh Shariif oo Madaxda DF uga digay inay fogeeyaan raadinta Midnimada Soomaaliya


Muqdisho (PP) ─
Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in lasii fogeeyo khilaafka siyaasadeed ee maamulka Somaliland oo uu sheegay in iminka ay tahay mid taagan meel dhow.

Shariif ayaa ku baaqay inay muhiim tahay in Somaliland lasoo dhaweyso, isagoo intaas ku daray inaysan Somailand diidaneyn midnimada balse ay jirto tabasho xal u baahan.

“Hoggaanka Somaliland waa in lala fadhiisto maadaama dalka uu hadda ka jiro is-bedel, Xalka Soomaaliya wuxuu muuqan doonaa wixii ka dambeeya wada-hadalada Somaliland,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa wuxuu mar kale hadlakiisa ku yiri. “Walaalalaha Somaliland waxbay tabanayaan, khaladna wuu dhacay oo nina in-kiri karaan ma jiro. Haddaba, aniga waxay ila tahay inaan la gar-naqsanno ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimid ee calanka kuu keenay haddana ku yiri dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay.”

Madaxweynihii hore ee Somalia oo sii hdalaya ayaa mar kale yiri. “Marka haddii aan ALLE ka baqno waxay Somaliland mudan tahay in lala fadhiisto oo xal rasmi ah loo raadiyo cabashadooda.”

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in xal deg-deg ah loo raadiyo khilaafka labada dhinac, wuxuuna caddeeyay in Somaliland ay muhiim u tahay xalka Somalia.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre inay gar-waaqsadan Tabashooyinka Somaliland, isla markaana ay ka shaqeeyaan wanaajinta walaalahaas naga maqan  si ay u soo deg-degto midnimada la raadinayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa sheegay in Adduunku raadinaayo midow, halka Somaliland ay xiligaani mareyso gooni-isku-taag, balse wuxuu ku baaqay in la raadiyo midnimada Soomaali weyn.

PUNTLAND POST