Wafdi Qiimeyn ku sameyn doona Dekedaha Soomaaliya oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre oo ay ka wada-hadleen Horumarinta Dekadaha Soomaaliya.

Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Somalia, Maryan Aweys Jaamac oo kulanka qeyb ka aheyd ayaa  sheegay in ujeedka wafdiga ay aheyd in daraasad iyo kormeer ay ku  sameeyaan Dekeda Soomaaliya si loo ogaado dekadaha dayactirka u  baahan iyo dekadaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Qatar uu ku yimid Muqdisho ay fursad wanaagan oo dhanka shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in looga faa’iideeyo.

Booqashada Wafdiga Qatar ka socda ay ku yimaadeen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa halkaas oo leeskula soo af-gartay in la fuliyo Mashruucyo dhawr ah oo khuseeya dekadaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wafdiga ka socda dawladda Qatar ayaa inta ay joogaan dalka waxa ay  booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada dalka si ay u tagaan  dekadaha ay qiimeynta ku sameynayaan.

PUNTLAND POST