Qaramada Midoobay oo ka hadashay deeqaha caalamiga ah ee lagu caawiyo Somaliland

Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay kaalmooyinka iyo mashaariicda daruuriga ah ee loo baahan yahay ay gaarsiin doonaan Somaliland iyo deegaannada kale ee ay baahiyaha ka jiraan ee Soomaaliya.

Peter de Clercq oo ah ku xigeenka ergayga QM ee Somalia ayaa u sheegay VOA-da in go’aanka dowladda Somalia ee kaalmooyinka looga joojinayay aan weli laga gaarin wax heshiis ah, balse ay filayaa in heshiis laga gaari doono.

“QM waxay ku dadaalaysaa inay kaalmooyinka iyo mashaariicda baahiyaha deg-degga ah loo qabo aan gaarsiinno meel walba oo Somali ah – oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu yiri danjire Peter de Clercq.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay aragtidooda ku aaddan qorshaha xayiraadda ah ee Dowladda Somalia ay soo saartay, taasoo ka dhan ah Somaliland, isagoo sheegay in qorshahaas ay ka war-sagayaan halka uu ku dhammaado.

“Kaalmooyinkii ugu dambeeyay ee la gaarsiiyay Qaybo ka mid ah Somalia, waxay Somaliland ka heshay qayb weyn, waayo qorshaha dhawaan soo jeedisay Dowladda Somalia wuxuu u baahan yahay wadahadal dheeraad ah iyo in rasmi laga dhigo,” ayuu hadalkiisa ku daray ku xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Peter de Clercq ayaa la weydiiyay inuu jiro heshiis ay Dowladda Somalia iyo Beesha Caalamku ay ka gaareen qorshaha kaalmada ee Somaliland, wuxuuna ku jawaabay.

“Maya… ma jiro xilligan wax heshiis ah oo laga gaaray qorshahan gaarka ah, sida aan sheegayna muhiimaddu waxay tahay in kaalmooyinka kala duwan ee bani’aadamnimada iyo kuwa horumarineed ay gaaraan goobaha loogu baahida badan yahay.”

Peter de Clercq ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in hawlaha xilligan ay rabaan inay kaalmooyinka ku gaarsiiyaan Somaliland uu yahay qorshe aan rasmi ahayn, balse haddii is-af-garad uu ka dhex-dhaco Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay raaci doonaan wadiiqadii loo jeexo.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa horay uga dalbatay Beesha Caalamka in kaalmooyin aan lasoo marsiin aan la geyn Somaliland, sidoo kalena aan lala geli karin heshiisyo caalami ah, balse illaa hadda ma jirto wax heshiis rasmi ah oo arrintaan laga gaaray.

PUNTLAND POST