AMISOM oo raalli-gelin ka bixisay xayiraad ay dhawaan saareen Guddoomiyaha Aqalka sare

Muqdisho (PP) ─ Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa sheegay in heshiis laga gaaray xayiraaddii toddobaadyo ka hor ay Ciidankoodu ku xayireen guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llahi oo doonayay xiligaas in uu u dhoofo dalka Kenya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi oo ay Wehlinayeen labadiisa ku xigeen iyo Madaxa Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira ayaa kulan ka yeeshay arrintaan, waxayna ka hadleen xiriirka labada dhinac,iyada oo AMISOM faahfaahisay xayiraadii guddoomiye Xaashi.

“Wadahadalladii aan yeelanay waxay ku saabsanaayeen Arrimaha Amaanka iyo hab-maamuuska madaxda, si isku-dhow ayaan wax isugu fahanay, waxaana rajeynayaa in lagu qancay sharaxaaddii aan bixinay waxaana rajeynaya in si dhaw aan labadeenna dhinac u wada-shaqeyno doono,” ayuu yiri danjire Francisco Madeira.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa isagana dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhex-maray labada dhinac iyo kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa 19-kii bishii lasoo dhaafay waxay muddo kooban ku xayireen garoonka diyaaradaha guddoomiyaha aqalka sare iyo xubno la socday, taasoo ay aad uga caroodeen xubnaha aqalka sare ee baarlamanaka Somalia.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa xilligii ay xayirayeen guddoomiyaha aqalka sare waxay sheegeen inaanay amar u haysan in guddoomiyaha wax ka badan ay ka gudbaan albaabka ciidamada AMISOM ee ku yaalla dhabarka dambe ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

PUNTLAND POST