Xildhibaan ka hadlay Go’aankii Dowladda FS ee ka dhanka ahaa Maamulka Somaliland

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigee,  ayaa ku eedeeyay Dowladda Somalia in ay ganafka-ku-dhufatay Wada hadaladii soo socday ee u dhexeeyay DF iyo maammulka Somaliland.

Maxamed Qaalib ayaa sheegay in Dowladdii hore ay wadahadal la billowday Somaliland, isagoo sheegay in heshiiskii bishii Jannaayo sannadkii 2014-kii lagu saxiixay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu Qeexayay in lasii wado wada-hadalada, lagana fogaado wax walba oo abuuri kara khilaaf, isla markaana aan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada

“Waxaa wax laga xumaada ah in maanta iyadoo dadaal badan la geliyay in la soo gaarsiiyo heer laga wadahadli karo midnimada – inay Dowladda maanta jirta majaxaabisay dadaalkii loogu jiray in Dlowladda Somalia iyo Somaliland ka heshiiyaan wada-hadalladaas, kaddib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladaas, ayna joojisay mashaariicdii horumarineed ee wax-tarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland,” ayuu yiri Mudane Qaalib.

Madaxweynaha iyo Xukuumadda maanta jirta tallooyin ka kooban saddex qodob oo kala ah;

  1. In Dowladdu dib-u-bilwdo oo dar-dargeliso wada-hadalladii socday ee u dhexeeyay Somaila iyo Somaliland.
  2. In Dowladdu qaadato mas’uuliyadda ka saaran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee Beesha Caalamku ku taageeraysay shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira.
  3. In xallinta collaadda ka taagan Tukaraq Dowladdu u marto wada-hadal iyo hab-nabadeed.

Ugu dambeyn, Hadalka xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka Somalia eek a soo jeeda gobollada Waqooyi [Somaliland], ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay dowladda federaalka ah beesha caalamka ka dalbatay inaan Somaliland laga fulin mashaariic aan iyada loosoo marin. Taasoo caro badan abuurtay.

PUNTLAND POST