Ciidamada Xaslinta oo Muqdisho ku toogtay wiil dhalliniyaro ah oo watay Mooto Bajaaj

Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa kuwa kexeeya mootooyinka loo yaqaan Bajaaj-ta ee saddexda lugood leh.

Askari ka tirsan ciidamada xasilinta oo ku sugnaa agaaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa toogtay wiilkan oo la sheegay inuu ka gudbay bar ay ku koontaroolayeen gaadiidka.

Mooto Bajaaj-ta ayaan inta badan lagu baarin baraha ay ciidamada xasilintu ku sugan yihiin, balse waxaa xilliyadii dambe soo kordhayay dilalka ay qaar ka mid ah ciidamada dowladdu u geysanayaan dhallinyarada kexeeya mooto Bajaaj-ta.

Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in askarigu uu amar siiyay wiilka mootada watay, balse uu maqli waayay, taasoo keentay in askarigu uu xabbadeeyo wiilka geeriyooday.

“Wiilka dhallinyarada ah ee geeriyooday wuxuu watay mooto kuwa saddexda lug leh ee loo yaqaan Bajaaj-ta, waxaana toogtay askari ka tirsan ciidamada xasilinta, kaddib markii uu maqli waayay amarkiisa,” ayuu yiri ka mid ahaa dadkii goobjoogga ka ahaa falkan.

Sidoo kale, Goobjoogaha ayaa sheegay in wiilkan ay laba xabbadood uga dhaceen dhabarka, uuna u geeriyooday dhaawac soo gaaray, waxaana falkan uu qayb ka noqonayaa falalka iska-soo-daba-noqday ee xilliyadii dambe ka dhacayay Muqdisho.

Darawallada kexeeya Mooto Bajaaj-ta ayaa dhawr jeer ooh ore ka cawday sida ay ula dhaqmaan ciidamada dowladda, iyagoo sheegay in lacago badan laga qaado, sidoo kalena loo diido waddooyinka muhiimka ah inay maraan.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo darawal Mooto Bajaab lagu dilo Muqdisho, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli dhawr darawal oo sidan oo kale ah lagu dilay qaybo ka mid ah Muqdisho, mana jirto wax war ah oo laga soo saaray dilalka lagula kacay.

PUNTLAND POST