Dowladda Britain oo Qalab kala duwan ugu deeqday Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Britain ayaa qalab ay qiimahooda gaaraysa 5.6 milyan oo Bound ugu deeqday ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Somalia, si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah.

Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiidka xamuul, cagaf-cagaf iyo kuwokale ayaa waxaa laga adeegsan doonaa hawlaha ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Muqdisho.

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya, David Concar ayaa markii uu qalabka wareejinayay sheegay in Dowladdiisa ay ku faraxsan tahay inay AMISOM kala shaqeyso dadaalka ay ku dooneyso inay xasiliso Somalia, ayna nabad iyo amni waara ka dhaliso.

“Kaalmadan aan ku wareejinayno AMISOM wuxuu qiimahoodu ku fadhiyaa 5.6 milyan oo Bound, waxaan rajeynaynaa inay si weyn gacan ka siiyaan AMISOM inay nadiifiyaan waddooyinka muhiimka ah iyo inay sii wadaan xasilinta Somalia. Waxaan kaloo doonaynaa inay hawshaan la kaashadaan ciidamada Somalia ee ay awooddoodu dhismayso,” ayuu yiri David Concar.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa ayaa uga mahad-celiyay ciidanka nabad-ilaalinta iyo waddamada ciidamada ku deeqay dadaalka ay geliyeen inay xaqiijiyaan Somalia oo xasillooni hesha.

“Waan idin kaga mahad-celineynaa AMISOM wax walba oo aad qabateen iyo waddamada ciidamada deeqay, iyo gaar ahaan ciidamada meelaha halista ku sugan ayaga oo naftooda u hura xasilloonida iyo horumarka aan aragnay,” ayuu raaciyay danjiraha Britain u fadhiya Somaila.

Taliyaha ciidanka AMISOM, Jen. Jim Beesigye Owoyesigire oo qalabkaan kala wareegay Britain ayaa sheegay in qalabkan uu wax badan tari doonaan ayna gacan ka geysan doonaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa goobaha ay weli ku harsan tahay.

“Dowladda Britain waxaan uga mahad-celinayaa taageerrada ay Ciidamada AMISOM siiso, waxaana si gaar ah ugu amaanayaan qalabkan faraha badan ee ay nagu taageertay,” ayuu yiri Jen. Owoyesigire.

Mar uu ka hadlayay sida ay ugu shaqeyn doonaan qalabkan ayaa wuxuu ku yiri hadalkiisa. “Waanu garanaynaa qalabka, awooddeenna waanu wanaajin karnaa, sidoo kale waxay naga caawin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dhibaatooyin badan ka wada Soomaaliya.”

UGu dambeyn, Sanadkii lasoo dhaafay ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu meel mariyay in si tartiib-tarrtib ah loo dhimo tirada guud ee ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, isla markana ciidamada amniga Somalia lagu wareejiyo mas’uuliyadda wax ka qabashada ammaanka dalka.

PUNTLAND POST