FARMAAJO: Diyaar ayaan u nahay sii wadidda Wadahadaladii aan kula jirnay Somaliland

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso wada-hadalladii kala dhexeeyay maamulka Somaliland, kuwaasoo xilliyadii lasoo dhaafay ku jiray hakad.

Farmaajo oo ka hadlayay Munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayuu sheegay in Somaliland ay yihiin dad walaalo ah, laakiinse duruufo iyo dhib badan soo maray, isagoo sheegay in dowladda Somalia ay diyaar u tahay inay sharaftii Somalia dib u soo celiso.

“Somaliland waa dad Walaalaheen ah, duruufo iyo dhib badan ayaana soo maray, kuwaasoo laga yaabo inuu na-kala qaybiyo, Dowladdanna waxay u tahay diyaar inay soo celiso wada-hadaladii u dhexeeyay labada dhinac,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku daray. “Dowladda Somalia waxay diyaar u tahay inay inay si wanaagsan oo run ah loo wada-fariisto, Somaliland iyo innaguna kalama maaranno, waayo waxaanu nahay dad wax walba wadaaga inaan umadda Soomaaliyeed isku-soo-celinno oo isku soo duwno, waxay u tahay fursad qof walba oo Soomaali ah.”

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa kudaray in Somalia ay u baahan tahay nabad, isagoo xusay in loo baahan yahay in colaadda Tukaraq la joojiyo, isla markaana wax walba oo jira nabad lagu dhammeeyo.

Farmaajo ayaa xusay in wada-hadalladaas ay rajeynayaan in si kasta oo kalsooni lagu gelin karo ay sameyn doonaan, maadaama ay yihiin garab ka maqan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo colaadda Tukaraq iyo dhiigga ku daadanaya, isagoo tilmamaay in Somalia ay xilligan u baahan tahay Nabad iyo nolol ee aysan u baahnayn colaad iyo in la daadiyo dhiig Soomaaliyeed.

Ugu dabmeyn, Wada-hadaladii u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland ayaa hakaday xilligii Dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Sh. Maxamuud, waxaana tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo qabsoomin wax wada hadal ah.

PUNTLAND POST