Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay baarayso 84 Soomaali ah oo uu Mareykanku soo tarxiilay

Muqdisho (PP) ─ Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya, C/casiis Cali Ibraahim [Xildhibaan] ayaa sheegay in 84-qof oo Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Mareykanka ay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan.

C/casiis Xildhibaan oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in dhamaan dadkii lasoo celiyay ay ku jiraan gacanta dowladda Soomaaliya, isla markaana ay baaris dheeraad ah ku sameyn doonaan, inkastoo uusan bixin faahfaahino dheeraad ah.

“Dhammaan dadkan laga soo celiyay Mareykanka waxaan ku sameynaynaa baaritaanno dheeraad ah, markii su’aal weydiinteenna ay noo dhamaantana waan sii dayn doonnaan,” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeenku ma uusan sheegin in dhammaan dadkan lasii dayn doono iyo in qaarkood lasii dayn doono, balse wuxuu ku adkeystay in baaritaanno dheeri ah la marin doono ayna maalmo gacanta ku hayn doonaan.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in haddii dadkan ay doonayaan inay Muqdisho joogaan ay joogi karaan, balse haddii ay doonayaan in gobollada dalka ay u safraan ay dowladdu gacan ka-siin doonto safarkooda.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso tiro Soomaali ah, kuwaasoo ay sheegtay in qaarkood ay u diiday sharciyadii halka kuwo kalena ay dambiyo kala duwan galeen.

Dhanka kale, sannadkii hore ayaa waxaa dalka Mareykanka laga soo tarxiilay 275-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay Muqdisho keeneen diyaarado kala duwan oo looga soo qaaday Mareykanka iyo dalalka Afrika qaarkood.

Mid ka mid ah dadka laga soo tarxiilay Mareykanka ee lagu soo celiyay dalka Somalia ayaa sheegay in sababta tarxiilkiisa loo cuskaday ay tahay iyadoo loo diiday sharciga dalkaas, kaddib markii uu ka galay Mareykanka dhanka xadka Mexico. Isagoo sheegay in Maxkamadi ay xukuntay in Mareykanka laga tarxiilo.

Ugu dambeyn, 84 qof oo Soomaali ah ayaa shalay laga soo dajiyay Muqdisho kaddib markii laga soo tarxiilay Mareykanka, waxaana ku jiray afar hablood, iyadoo inta kalena ay ahaayeen rag.

PUNTLAND POST