Arday Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Gülen oo lagu xiray Turkiga


Ankara (PP) ─
Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in ciidamada Turkiga ay xabsiga dhigeen arday Soomaaliyeed oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gülen oo horay loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga 15-kii July sannadkii 2016-kii.

Ugu yaraan 29 Ruux oo ay ka mid yihiin ciidammo ayaa lagu xiray Turkiga sababo ku aaddan xiriirka la tuhunsan yahay inay la leeyihiin Kooxda uu hor-kacayo Fethullah Gülen, sida ay sheegeen booliiska Turkiga.

Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in la xiray 16 arday oo 10 ka mid ah ay yihiin Soomaali, saddex ay kaso jeedaan dalka Jabuuti, laba wadanka Guinea  u dhashay iyo arday Suuriyaan ah, waxaana laga soo qabtay gobolka Mersin, sida ay ku warrantay Anadolu.

Lama sheegin magacyada ardaysa Soomaaliyeed ee la xiray, lama bixin wax faahfaahin ah oo arrintooda ku saabsan iyo aqoonsiyadooda, waxaana lagu sheegay in ardaydan ay dhiganayeen jaamacadda Mersin waxaana soo xiray booliiska oo ku weeraray guryihii ay daganaayeen.

Booliiska dalka Turkiga ayaa sheegay inay weli badi-goobayaan toddobo qof oo lala xiriirinayo ururka la mamnuucay ee Fethullah Gülen, kaasoo tan iyo sannadkii 2016-kii si gaar ah loo ugaarsanayay.

Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gülen oo fadhigiisu yahay Mareykanka ayay dowladda Turkigu ku eedeeysay inuu mas’uul ka ahaa Af-gambigii aan lagu guuleysan ee dalkaas ka dhacay, kaasoo la doonayya in xukunka looga tuuro madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Fethullah Gülen ayaa hoggaamiya ururro ka shaqeeya waxbarashada gudaha dalka Turkiga iyo dibaddisa, waxaana qayb ka ahaa shirkado Soomaaliya ka shaqaynayay oo dowladda Somalia ay dalka ka eriday, taasoo ahayd qorshe lagu gacan-siinayay Turkiga si looga adkaado wadaadkan.

Dhanka kale, Arday badan oo Soomaali ah ayaa wax-ka-barta dalka Turkiga, waxayna cabsi ay lasoo daristay markii Af-gambigu uu waddanka ka dhacay inkastoo aysan khatar badan la kulmin.

Ugu dambeyn, Warka ku saabsan ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga lagu xiray ayaa ah war naxdin iyo cabsi ku ah Soomaalida Waxbarashadda u jooga Dalka Turkiga.

PUNTLAND POST