Sheekh Abu-Mansur iyo Mareykanka oo isla gartay sidii ay isaga kaashan lahaayeen…


Muqdisho (PP) ─
Wafdi ka socday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu-Mansuur] oo ka mid ahaa asaasayaashii Al-shabaab, balse dhawaan kasoo goostay oo ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay dalka Jabuuti ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Warar hoose oo la hadlayo ayaa sheegaya in wafdigan oo ka koobnaa Afar xubnood ay la kulmeen saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan taliska Africom ee Mareykanka oo fadhigooda ahaa Jabuuti.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in wafdigaan oo Wakiil ka ahaa Sheekh Mukhtaar Roobow ay kala hadleen saraakiisha Mareykanka sidii ay isaga kaashan lahaayeen hawl-gallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa abaabulka dagaal uu wado Abu-Mansuur.

Hoggaamiyahan kasoo goostay Al-shabaab ayaa wada abaabul dagaal iyo mid ciidan oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, waxaana muddooyinkii dambe uu safarro ku marayay magaalooyinka dalka si uu taageero dagaal ugu helo maamul-goboleedyada.

Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dowladda Somalia ay waddo qorshe ay Abu-Mansuur ugu diyaarinayso inuu madaxeyne ka noqdo maamul-gobleedka Koofur-galbeed oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha November ee sannadkan, waxaana jiray tallooyin loogu jeediyay inuu isi soo sharraxo.

Sheekh Abuu-Mansuur ayaa sannadkii hore sheegay inuu isaga baxay ururka Al-shabaab, iyadoo malleeshiyo taageersan oo ku sugan Gobolka Bakool ay dhawr jeer dagaallo la galeen xooggag taabacsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Bishii lasoo dhaafay ayuu wadaadkan u aaday wadanka Saudi Arabia inuu soo cimraysto, safarkaasoo ahaa kii ugu horreeyay oo dalka uga baxo tan iyo markii laga saaray liiska argagixisada oo lagu daray markii uu ka mid ahaa hoggaanka sare ee Al-shabaab.

PUNTLAND POST