ONLF oo dhaliishay qorshaha Itoobiya ay shidaalka uga soo saarayso deegaanka Soomaalida

Muqdisho (PP) ─ Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee ONLF, ayaa dhaliishay go’aanka ay Dowladda Itoobiya shidaalka uga soo saartay Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka ONLF, Caddaani Hir-mooge oo la hadlayay BBC-da ayaa wuxuu yiri. “Iyadoo aan la xallinin is af-garan-waaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeeniya ku dhaqan iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay.”

Xukuumadda Itoobiya ayaa markii ugu horraysay shidaal tijaabo ah kasoo saartay deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaasoo intiisa badan loo isticaamli doono gudaha Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo Arrintaas ka hadlayana ayaa ka qaaday daboolka in maalin kasta lasoo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doollar.

“Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka dhoofino Dekeddda Jabuuti Waxaan qiyaasaynaa inaan sannadkii ka heli doono siddeed bilyan oo Doollar,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Sidoo kale, Hir-mooge ayaa la waydiiyay su’aal ahad; haddii Gobolku uu ka mid yahay Itoobiya qarashka lagu soo saarayna ay bixisay oo shirkad Qandaraas ku siisay hantida Itoobiya oo dhan baa leh, marka soo kama haboona in aad dadka u ogolaataan nolol iyo hormarkooda? Ayaa wuxuu kaga jawaabay.

“Annagu Itoobi kama mid nihin, dhaqaalaheeda lama lihin, waxbana kuma lihin siyaasadda Itoobiya, dad la haysto ayaan nahay, dhulkeennana qori baa lagu qabsaday, walina waan diidanayn oo iska caabin baan wadnay waana sii wadi doonnaa, hantida shacbi Soomaaliyeed baa iska leh Itoobiyana ma laha,” ayuu yiri caddaani.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa labadii bilood ee uu xilka hayay sameeyay is-bedello waa-wayn isagoo cafiyay maxaabiistii siyaasadda, jacayl iyo wada jirna ugu baaqay dadka Itoobiya.

Wadamada dariska ah ayuu durba u safray oo heshiisyo la galay, wuxuuna si aan la filaynin gogol nabadeed ugu fidiyay Eritrea isaga oo ballanqaaday in uu ku wareejin doono dhulka ay ku muransan yihiin.

Afhayeenka ONLF ayaa sidoo kale la weydiiyay sida diidmada jabhadda iyo Isbadalladaas Itoobiya ay isu waafajin karaan. Wuxuuna uga jawaabay; “Dadaal nabadeed mab’da ayuu naga yahay waana soo dhawaynaynaa, arrinta Ogaadeenyana in si nabad ah lagu xalliyo barnaamij siyaasi ah bay naga tahay.”

Hoos ka dhageyso wareysiga BBC-da

PUNTLAND POST