Wafdi ka Socda Dowladda Eritrea oo gaaray Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya

Addis Ababa (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa soo dhaweysay wafdi ka socda dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, kuwaasoo jawaab u ah hadalladii uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ee ahaa in wada-hadallo lagu dhameynayo colaaddii muddad dheer soo taagnayd ee u dhexeysay labada waddan.

Wafdiga ka socda Eritrea ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea, Cusmaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebre-a, iyadoo ay soo dhaweeyeen Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Warqineh Gabyew iyo weiba ku xigeenka guud ee taliyaha ciidamada Itoobiya, Jen. Birhanu Jula.

“Waanu ku faraxsannahay in walaalaheen ay halkan noogu yimaadaan oo ay nasoo booqdaan, si aan uga hadlano mustaqbalkeenna. Waayo innagu waan ku dagaal, waxaana doonaynaa nabad iyo wada-noolaasho,” ayuu RW Abiy u sheegay koox wariyeyaal ah soo dhaweynta wafdiga kaddib.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa ku tilmaamay booqahada wafdigan mid u ah xudun, sidii Itoobiya iyo Eritrea ay uga gudbi lahaayeen coladihii mudada soo jiray, ayna ugu bedeli lahaayeen dib-u-heshiisiin iyo is-jacayl.

Booqashadan ayaa imaanaysa kaddib markii Madaxweynaha dalka Eritrea uu toddobaadkii hore u sheegay Warbaahinta Dowladda in wafdi kala soo hadla Itoobiya xiriirka mustaqbalka labada dal uu u dirayo dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Meles Alem ayaa isna sheegay in nabad ka dhex-dhalata labada waddan ay faa’ido weyn u leedahay waddamada Geeska Afrika oo dhan.

Dhanka kale, Wafdiga ka socda dalka Eritrea iyo Madaxda Itoobiya – ayaa la filayaa inay wada-diyaariyaan Qorshaha ay ku socon lahaayeen wadahadalka labada waddan.

Ugu dambeyn, kumannaan qof ayaa ku dhintay dagaalladii salka ku hayay muranka xuduudda ee dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea, kuwaasoo billowday sannadkii 1998-kii, kaddib afar sano xorriyadii dalka Eritrea.

PUNTLAND POST