Mid kamid ah saraakiisha sare ee IGAD oo lagu sameeyay shaqo ka fariisin rasmi ah

Muqdisho (PP) ─ Urur-goboleedka IGAD ayaa shaqo-joojin  ku sameeyay Col. Gebregziabher Alemseged oo loo yaqaanno [Jen. Gabre], kana mid ahaa saraakiisha sare ee Ururka ay ku midoobeen Waddamada Bariga Afrika, kaddib qoraal kasoo baxay Xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin.

Col. Gabre ayaa ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Xoghayaha guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sannad ka hor, iyadoo lagu amaray in uu wareejiyo dhammaan agab-xafiiskeedka uu gacanta ku hayo.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in wixii maanta ka dambeeya Col. Gabre uusan shaqaale ka aheyn Urur-goboleedka IGAD, iyadoo aan weli la sheegin cidda lagu bedelay sarkaalka la shaqada laga eryay.

Dhanka kale, Col. Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah ayaa lagu xusuustaa in uu ahaa taliyihii ciidamadii Itoobiya ee Somalia soo galay sannadkii 2007-kii, kuwaasoo ugu dambeyn ka baxay Somalia sannadkii 2009-kii markaasoo uu xilka la wareegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn, Col. Gabre ayaa ahaa shaqsi galaan-gal badan ku dhex-lahaa xilliyadii u dambeeyay dowladihii dalka soo maray, waxaana inta badan lagu dhex-arki jiray goobaha ay doorashooyinku ka socdaan iyo shirarka kale ee dib u heshiisiinta ah ee dalka ka dhaca.

PUNTLAND POST