Qarax lagu dilay Askar ka tisran ciidamada DF oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Dhexe

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada DF ayaa dhintay, saddex kalena way dhaawacmeen, kaddib markii Qarax miino lagula eegtay maanta barqadii inta dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu sii aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari kuwa dagaalka ah oo ay wateen ciidamada dhintay iyo kuwa dhaawacmay, iyadoo kooxihii qaraxaas geystay ay baxsadeen.

Goobjoogayaal deegaanka Golaley oo ahaa halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta in gaariga qaraxa lala beegsaday uu gabi ahaantiisa burburay, ayna goobta soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

“Baabuurka la qariyay wuxuu ahaa kuwa ay Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile oo ay wateen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, waxaan arkay dhimashada saddex askari iyo dhaawaca saddex kale, gaarigana burbur xooggan ayaa gaaray,” ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inuu ka tagay Muqdisho kuna socday degmada Jowhar, waxaana qaraxan khasaaraba u geystay askarta ka tirsan ciidamada dowladda ayaa qayb ka noqonaya dilal iyo qaraxyo dhawaanahan ay Al-shabaab ka geysanayaysa waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Dhanka kale, Maamulka Hirshabelle iyo Taliska ciidamada xooggad dalka ayaan weli ka hadlin weerarkan lagu dilay askarta kuwa kalena dhaawaca loogu geystay, waxaana askartii dhaawaca ahaa lasoo gaarsiiyay Muqdisho si loogu daweeyo.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa inta badan sheegata qaraxa loo geysto Ciidamada Dowladda Somalia ee ka dhaca Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka, kuwaasoo khasaare badan ay kasoo gaarto ciidamada Dowladda iyo kuwa caawinaya ee AMISOM.

PUNTLAND POST