Millateriga DF oo looga digay Isticmaalka Maandooriyeyaasha uu ka mid yahay Qaadka

Muqdisho (PP) ─ Taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa uga digay ciidamada Dwladda inaysan isticmaalin waxyaabaha maanka dooriya oo uu ka mid yahay Qaadka/Jaadka.

Jen. Gorod ayaa sheegay inay askarta mamnuuc ka tahay daraagiska, gaar ahaan Qaadka xilliyada ay waajibaadka Qaran gudanayaan, isagoo sheegay inaan shaqo loo dirsan karin ciidamada qaadka cuna.

“Dhammaan Ciidanka Xoogga dalka waa ka mamnuuc Qaadka ama Jaadka, wixii qaadka cuna ee Villa Somalia ku jira dibadda ayaa looga saarayaa, tuutaha iyo qoriga ay wataanna waa laga reebayaa,” ayuu yiri Jen. Gorod.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa hadalkan ka sheegay xaflad tababar gaar ah loogu furayay boqolaal askari oo ka mid noqonaya ilaalada gaarka ah ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada kala duwan ee Somalia ayaa lagu dhaliilaa inay jaadka si aad ah u cunaan xilliyada ay gudanayaan waajibaadyadooda shaqo, waxaana taas ay sababtaa mararka qaarkood inay awoodi waayaan inay iska difaacaan kooxaha soo weerara.

Sidoo kale, Madaxdii hore ee Somalia ayaa dhawr jeer uga digay ciidamada inay isticmaalaan Qaadka oo sabab u noqda inta badan inay ciidamadu sida la rabo u gudan waajibaakooda, mararka uu qaadku soo dhacana ay gabi ahaan dayacaan hawlahooda shaqo.

Waa markii ugu horreysay oo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Gorod uu si cad uga digo ciidamada xoogga dalka cunista jaadka, waana mrkii ugu horreysay oo la sheego in Askari Qaad cuna uusan ka hawl-geli doonin Villa Somalia.

Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa ah magaalada uu jaadka ugu badan yimaado maalin walba, waxaana Qaadkaas intiisa badan cuna askarta dowladda Somalia, kuwaasoo qaarkood lagu arko waddooyinka iyagoo Qaad Ruugaya.

PUNTLAND POST