Kooxo Liibiya Dadka ka Tahriibyia oo lagu soo Rogay Cuna-qabteyn isugu jirta Safarka iyo…

Muqdisho (PP) ─ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunna-qabatayn kusoo rogay lix ruux oo mas;uul ka ah Hawl-gallada Dadka lagu tahriibiyo ee waddanka Liibiya.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo dad wax Tahriibiya lagu daro liiska cunna-qabataynada caalamiga ah. Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka kid ah afar qof oo u dhashay dalka Liibiya oo uu ka mid yahay nin madax ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada Xeebaha iyo labo ruux oo u dhashay dalka Eritrea.

Mukhalasiinta wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay Ammaan xumida Liibiya ka jira, iyagoo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay u geeyaan dalal ka mid ah kuwa Qaaradda Yurub.

Dad badan oo ka mid ah Tahriibeyaasha ku sugan waddanka Liibiya ayaa ku go’doonsan xarumo si KMG ah dadka loogu hayo, iyadoo weliba jir-dil aad u daran loogu geysto goobahaas.

Sidoo kale, Cunna-qabtaynta lagu soo rogay raggana ayaa ka kooban mid dhanka safarrada caalamiga ah iyo in lacagtooda la xannibo, waxaana tani ay ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Dowladda Holland taasoo QM iyo waddamo badan oo caalamka ah ay ku taageereen.

Dhanka kale, Qorshahan ayaa markii hore lasoo dhigay 01-dii May, laakiinse Waddanka Ruushka ayaa is hor-taagay, isagoo dal-baday inuu dib u eegis ku sameynayo caddaymaha loo cuskanayo cunna-qabateynta lixdaas ruux.

Xeebaha u dhexeeya Liibya iyo Talyaaniga ayaa waxaa sannad walba ku naf-waaya kumannaan Afrikaan ah, kuwaasoo waddamadoodii uga soo cararay colaado, shaqo la’aan iyo cadaadisyo ay kala kulmaan dowladahooda.

Ugu dambeyn, Cunna-qabatayntaan aan la filaynin ayaa timid kaddib markii aad looga carrooday warbin uu dabayaaqadii sannadkii hore ee 2017-ka uu baahiyay Telefeshinka CNN, taasoo muujinaysa rag Tahriibayaal ah oo adoon ahaan loogu xaraashayo gudaha dalka Liibiya.

PUNTLAND POST