Golaha Amniga ee QM oo Walaac ka Muujiyay Cakirnaanta Siyaasadeed ee Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay cadaadisyada Midnimada Soomaaliya uga imaanaya Gudaha iyo Dibadda , Waxaana Goluhu Walaac ka muujiyay Halista Al-shabaab ay ku hayso Amniga guud ee Soomaaliya.

Kulan ay goluhu shalay yeesheen ayaa waxaa lagu Ansixiyay Qoraal uu soo hor-dhigay shir-guddoonkooda, kaasoo ay ansixiyeen dhammaan xubnaha joogtada ah ee ka kooban 15-ka xubnood, Wuxuuna Goluhu ku baaqay in la taageero midnimada iyo hannaanka federaal ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Shirka Golaha Ammaanka ayaa kusoo beegmay xilli shalay ay ku timid Somalia booqasho Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda Rosemary DiCarlo, iyadoo la kulantay madaxda Dowladda Federaalka.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo, Stephane Dujarric ayaa sheegay in DiCarlo ay u caddeysay Madaxda Soomaalida inay Qaramada Midoobay taageerayso Dowladda, iyadoo sheegtay in midnimada Somaliaay muhiim u tahay horumarka federaalaynta, yareynta rabshadaha, ka guuleysiga xag-jirnimada iyo in lala tacaalo Arrimaha badi’aamnimada si horumar dhab ah ay bulshada u gaarto.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa Warbixin uu soo saaray kaga hadlay doorka AMISOM ee ah in ay ku Wareejiso Ammaanka Somalia ciidammo Soomaali ah, taasoo Goluhu ku tilmaamay inay khatar ku jirto.

Dhanka kale, Goluhu wuxuu soo dhoweeyay Doorashadii sida nabada ah ku dhacday ee Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Somaaliya iyo dib u howl-gelid Baarlamaanka Federaalka.

Golaha Ammaanka ayaa hoosta-ka-xariiqay baahida loo qabo in Dowladda dhexe, Baarlamaanka iyo Dowlad-goboleedyada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo goluhu warbixintiisa kaga hadlay Dagaalladii Dhawaan Dhex-maray Ciidamada Maamullada Puntland iyo Somaliland, kaasoo ka dhashay khilaafka ka jira Gobolka Sool, iyagoo ku baaqay in dagaalladaas la joojiyo khilaafka jirana lagu dhameeyo wadahadal iyo is-faham siyaasadeed.

Warbixinta Golaha Ammaanka ayaa waxaa lagu qeexay in Dowladda Dhexe ee Somalia iyo Maamul-goboleedyada loogaga baahan yahay inay horumar ka sameeyaan Dhinacyada – Qaybsiga Awoodaha, kheyraadka, dib-u-eegista Dastuurka iyo u-diyaar-garowga Doorashada qof-iyo-codka ah ee Sannadka 2020-ka ka dhici doonta dalka.

Ugu dambeyn, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Walaac ka muujiyay xaaladaha bani’aamdanimo ee ka jira Somalia, kuwaasoo ay ka mid yihiin Abaaraha iyo Saameynta Fatahaadaha iyagoo Beesha Caalamka ugu baaqay inay sii wadaan Taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

PUNTLAND POST