Itoobiyaan Fara badan oo Geeriyooday Kaddib Markii ay la Dagtay Doonni ay ku Safrayeen

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 46 qof tahriibayaal ah una dhashay Itoobiya ayaa ku dhintay xeebaha Dalka Yemen, kaddib markii doon ay saarnaayeen ay la dagtay, sida ay shaacisay maanta oo Khamiis ah hayadda Socdaalka Dunida ee IOM.

Tahriibayaashan, ayaa ka baxay Dekedda Boosaaso ee Puntland, waxayna qorsheynayeen inay gaaraan waddanka ay colaadaha ka socdaan ee Yemen, si ay ugu sii gudbaan dalalka kale ee Khaliijka Carabta. Waxayna IOM ay intaas ku dartay in 16 Ruux laga badbaadiyay doonta ay saarnaayeen tahriibayaasha ee ku dagtay xeebaha dalka Yemen.

Sidoo kale, Dadka dhintay ayaa isugu jiray 37 rag ah iyo sagaal dumar ah; iyaoo weli ay maqan yihiin tiro dad ah oo ka mid ahaa dadkii doonidaas la socday, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta hay’adda IOM.

“Dadkii musiibadan ka badbaaday qaarkood ayaa waxay sheegeen inaysan wadan tahriibayaashu jaakadaha dabaasha iyo qalab kale oo ay ku badbaadi kareen haddii ay doonidu dagto,” ayaa lagu yiri warbixin ay IOM maanta oo Khamiis ah baahisay.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in dadkii badbaaday qaarkood ay dhibaatooyin qabaan, ayna haatan la tacaalayaan xaaladooda, waxaana dadkii badbaaday qaarkood ay sheegeen inay rabaan inay u gudbaan dalalka kale ee gobolka si ay uga shaqeystaan.

Dhanka kale, Maxamed Cabdi Ker oo ah madaxa hawlgallada iyo gargaarka deg-degga ah ee Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay ee IMO ayaa isna u sheegay warbaahinta in bil walba ay 7,000 oo tahriibayaal ah isku dayaan inay u talaabaan dalka ay colaaduhu ka jiraan ee Dalka Yemen, kuwaasoo qaarkood u dhinta badda.

Ugu dambeyn, Tahriibayaal iyo Qoxooti ka yimid Geeska Afrika ayaa Yemen u socdaalayay sanadihii lasoo dhaafay, Waxaana Yemen looga gudbaa inta badan badan Wadamada kale ee Khaliijka, balse waxaa ka jira dagaalo iyo xaalad bani’aadanimo oo aad u liidata oo ka jira dalkaas.

PUNTLAND POST