Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalkaas, Ismaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, Beeraha, Dhaqaalaha, Isgaarsiinta iyo Ciidanka Jabuuti (Hiil Walaal) ee Hawlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Geelle iyo dhammaan reer Jabuuti taageerada walaaltinimo ee ay la garab taaganyihiin Dawladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa Ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada walaaltinimo si loogu guuleesto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta.

Khayre ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti, Abdoulkader Kamil Mohamed oo ay sidoo kale ka wada hadleen xariirka wanaagsan ee labada dowladood iyo sida loo joogteyn lahaa taageerada lagu garab istaagayo Soomaaliya.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa shalay jabuuti ku tegay booqasho laba maalin qaadaneysa iyadoo la filayo in weftiga Ra’iisul wasaaruhu kasoo Barri Dalka dib ugu soo laabtaan.

Ugu dambeyn, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ah laba wadan oo walaala ah, derisna ah isla markaana leh xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

PUNTLAND  POST