Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Cagta la mariyay Saldhigyo ay lahayd Al-shabaab

Kismaayo (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay weerar ay iska kaashadeen ciidamada kumaandoosta Somalia, ciidammo Mareykan ah iyo kuwa maamulka Jubbaland lagu burburiyay saldhiga ay kooxda Al-shabaab ku lahayd deegaanno ku dhaw magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliska ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa sheegay in Weerarka uu isugu ciraka iyo dhulka, isla markaana ay u suuro-gashay ciidamadii fulinayay inay burburiyaan saldhigyadii Al-shabaab ee deegaannada; Kamsuuma, Jamaame Kaban iyo Sanguuni ayna ku dileen 25 xubnood oo isugu jiray Saraakiil iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in weerarkan uu daba-socday weerar ay shalay kooxdu ku qaadeen ciidammo halkaas u tagay sahan, ayna khasaare badan u geysteen Al-shabaab iyo xarumihii ay ku lahaayeen deegaannadaas.

Jen. Cismaciil Saxardiid oo ah taliyaha Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta ku hadasaha afka millateriga Somalia ayaa sheegay in Hawl-galada ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Danab ee ka tirsan millateriga Somalia ciidammo Mareykan ah.

Al-shabaab ayaan dhankooda weli ka hadlin weerarkan la sheegay in looga dilay tiro saraakiil iyo ciidammo ah ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanno ku dhaw Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Warar ka madax-bannaan kjuwa dowladda Soomaaliya – ayaa ku warramaya in dagaalkan dhinaca ciidamada kumaandoosta Somaila looga dilay dhawr askari, sidoo kalena dhawr kale looga dhaawacay, inkastoo aan la ogeyn tiradooda saxda ah.

Shacabka ku nool Deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegaya in ay maqleen daryanka madaafiic culus oo qaarkood ay aad u cuslaayeen ayna u maleynayaan inay ahaayeen gantaallo diyaarado ay tuurayeen.

Ugu dabeyn, Dagaalka culus ee Maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ayaa kusoo beegmaya iyadoo sidoo kale dagaal noocan oo kale ah uu saaka ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo 26-km Bari uga beegan Magaalada baydhabo, kaasoo aan illaa hadda la ogeyn khassaaraha ka dhashay, inkastoo ay Al-shabaab muddo kooban gacanta ku haysay deegaankaas oo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen saldhigyo.

PUNTLAND POST