Beesha Caalamka oo ka hadashay Qodobbadii laga soo saaray Shirkii Amniga ee Baydhabo

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo dhawaan lagu soo gaba-gabeeya Baydhabo shirkii Amniga Qaranka oo ay ka qayb-galeen madaxda dalka iyo kuwa maamullada dalka ka jira, ayaa waxaa bogaadiyay qodobbadii shirkaas laga soo saaray Beesha Caalamka.

Bayaan wadajir ah oo ay Beesha Calaamku soo saareen maanta ayaa lagu sheegya in; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Norway, Sweden, Britain iyo Maraykanka ay si aad u weyn u soo dhaweynayaan natiijooyinka qiimaha leh ee ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee 03 illaa 05-tii bishan Juun ka dhacay Baydhabo, magaalo madaxda Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Beesha Caalamku ku bogaadinayso Madaxda Dowladda Somalia, Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah, Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Shirka joogay heshiisyadii ay ka gaareen qorshaha kala-guurka, Wadaagga dakhliga iyo Hanaanka Doorasho ee doorashooyinka qof-iyo-cod ee 2020.

“Dhinacyadaan oo dhan waxaan ku dhiirri-gelinaynaa inay dar-dar-geliyaan hirgelinta heshiisyadaas. In loo midoobo arrimahan iyo kuwo kale oo masiiri ah waxay dhidibada uu aasaysaa horumar dheeraad ah, oo uu ka mid yihiin dhamaystirka geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka Somalia iyo Qeexidda Hannaanka Federaalka Somalia, loona diyaar-garoobo Madasha Is-kaashiga Somalia oo wax-ku-ool ah, taas oo Dowladda Federaalka Somalia, Midowga Yurub iyo Sweden ay wadajir ugu martigelinayaan magaalada Brussels 25-ka iyo 26-ka Juun.”

Ugu dambeyn, Qoraalka Saaxiibbda Somalia ayaa lagu xusay in Maadaama Soomaaliya ay gelayso weji cusub ee xiriirka ay la leedahay Hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah inay ku dhiiri-gelinayaan madaxda Somalia inay sii wadaan ku-shaqaynta dareen midnimo.

PUNTLAND POST