Dowlada Itoobiya oo go’aansatay inay qaado xaaladdii deg-dega ahayd ee saarnayd dalkaas

Addis Ababa (PP) ─ Baarlamanka Itoobiya, ayaa maanta Ansixiyay go’aan ay dowladda dalkaas ku qaadday Xaaladdii deg-degga ahayd ee saarneyd Itoobiya muddo lix bilood ah, waxaana tallaabadan ay imaanayso laba bilood ka hor xilligii la qorsheeyay in la qaado xayirraddan.

Warkan oo ay baahisay Warbaahinta Dowladda Itoobiya ay maamusho ee Fana, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo horraantii sannadkan RW cusub loo magacaabay mas’uul kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu badan dalkaas, isla markaana wadday dibad-baxyadii gilgilay Itoobiya.

Dowladda ayaa soo rogtay xaaladdaan deg-degga ah bishii Febraayo, si ay wax uga qabato deggenaansho la’aan ka dhalatay qorshe lagu ballaarinayay magaalada Addis-Ababa ee Xarunta Itoobiya oo dadka qaar ay u akreen in lagu qabsanayo dhulka gobolka Oromiya.

Mudaaharaadyada ay dhigayeen Qowmiyadaha Oromada iyo Amraaxada oo si aad ah u saameeyay dalkaas, ayaa sababtay inuu xilka ka dago RW hore ee Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Sidoo kale, Sabtidii aynu kasoo gudubnay dhaafay – ayay Golaha Wasiirada Itoobiya waxay yeeshay kulan lagu qiimeynayo Xaaladda ammaan ee dalka, waxaana uu sheegay in sharcigii iyo kala dambeyntii lasoo celiyey, taasoo dhabbaha u xaartay codka ansixinta ee baarlamanka uu maanta sameeyay.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Cali oo ah sarkaal horey uga tirsanaa ciidanka, kaasoo xilka ra’iisl wasaare ka beddelay Hailemariam, ayaa ku safray dalka oo idil isagoo ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono cabashooyinka taagan isla markaana xoojin doona xuquuqda rayidka iyo siyaasiyiinta.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa ballan-qaaday inay sameyn doonaan isbeddelo kala duwan oo ay ku jirto in lasii daayo kumanaan maxaabiis ah oo u xirxirnaa arrimo siyaasadeed oo kala duwan.

PUNTLAND POST