Al-shabaab oo Xalay Weerartay Baardheere iyo mid ka mid ah Xoogaggooda oo la Qabtay


Baardheere (PP) ─
Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarkaas ayna gacanta ku dhigeen dagaallame ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday 3:00 habeenimo ee xalay, waxaana xoogagga Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degmada, sida Saldhig ciidanka DF ku leeyihiin Buundada iyo saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada DF ayaa sheegaya in weerarkii xalay ay kooxda Al-shabaabsoo qaadeen lagu gaarsiiyay khasaare weyn, isla markaana ay ku dhigeen gacanta hal dagaalame oo kooxdaas ka tirsan.

Dhanka kale, Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay Al-shabaab ka dileen Tobaneeyo ruux, qoryo fudud looga furtay, isagoo intaas ku daray in Ciidammada Dowladda Soomaaliya laga dilay Hal Askari, lagana dhaawacay saddex kale.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Baardheere ayaa soo bandhigay ninka ay sheegeen inay Al-shabaab ka qabteen, kaasoo xirnaa dharka millateriga DF wuxuuna u muuqday ruux argagaxsan.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay dagaal culus xalay ku qaadeen degmada Baardheere ayna khasaare gaarsiiyeen ciidamada DF iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tisran ee degmadaas ku sugan, inkastoo aysan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkooda.

Ugu dambeyn, Ururka Al-Shabaab ayaa xoojiyay Weerarada ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaqa ah oo ay la beegsanayaan saldhigyada ciidamada DF iyo kuwa kale ee Midowga Afrika ka socda, Waxayna bishaan Ramadaan Weerarro ka geysatay qeybo ka mid ah gobolada dalka.

PUNTLAND POST