Madaxweynaha Dalka Suuriya oo lagu wado inuu dhawaan booqdo Waqooyiga Kuuriya

Dimishiiq (PP) ─ Madaxweynaha Dalka Suuriya, Bashaar Al-Asad ayaa la qorsheynayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago Dalka Waqooyiga Kuuriya, sida ay xaqiijiyay Wakaalada Wararka ee Waqooyiga.

Tani ayaa noqon doonta markii u horeysay ee Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un uu Madax dowladeed marti geliyo, tan iyo markii uu awooda la wareegay sanadkii 2011.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaaday tallaabooyin siyaasadeed, isagoo la kulmay Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Koofur Kuuriya, waxaana la filayaa in bishan uu la kulmo Donald Trump.

Suuriya iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa ah xulufo, waxaana horay labada dal lagu eedeeyay inay iska kaashadaan hubka kiimikada, balse waa ay beeniyeen.

Illaa hadda wax waqti ah lama sheegin booqashada Madaxweyne Assad ku tagao Waqooyiga Kuuriya, sidoo kale wax war ah kama soo bixin Waqooyiga oo ku aadan xilliga la qorsheeyay.

Balse, Madaxweyne Assad oo Arbacadii waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Waqooyiga Kuuriya Amb. Mun Jong-nam ayaa laga soo xigtay inuu doonayo inuu la kulmo Kim Jong-un.

Madaxweynaha Suuriya ayaa dhowr jeer oo hore booqasho ku tagay dalka Ruushka oo ay xulufo yihiin, tan iyo markii sanadkii 2011-kii uu bilowday dagaalada sokeeye ee Suuriya.

Ugu dambeyn, Xiriirka u dhaxeeya labada dal ayaa soo bilowday sanadkii 1966, waxaana horay ciidamo iyo hub ugu dirtay xilligii uu socday dagaalkii Carabta iyo Israa’iil sanadkii 1973-kii.

PUNTLAND POST