Madaxweynaha Soomaaliya oo Furay Shirka Amniga Qaranka ee lagu Qabanayo Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhaw Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qayb-galaan madaxda dalka, Maamul-goboleedyada, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Tan iyo saakay waxaa socday kulammo gaar ah oo ay yeelayeen guddi gaar ah oo u gogol-xaarayay ajandayaasha shirka looga hadlayya, waxaase ugu dambeyn uu Madaxweynuhu shirkan furay duhurnimadii maanta.

Qodobbada shirkan looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah; Amniga Dalka, Hanaanka doorashooyinka 2020-ka, Federaaleynta, isku-dhafka Ciidamada, Tayeynta Dastuurka iyo Qodobo kale oo ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale, Shirkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Madaxda dowladda Somalia, kuwa maamul-goboleedyada iyo Hoggaanka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Arrinta ay diiradda saari doonaan madaxda shirkaan ka qayb-galaya oo xilligan xurguf siyaasadeed u dhaxeyso ayaa noqonaysa sidii ay u mideyn lahaayeen ciidamada dowladda Somalia, si Al-shabaab looga saaro dhammaan dalka oo dhan.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa loo diiday inay saxaafaddu ka qayb-gasho, taas oo keentay inay si aad ah wariyeyaashu uga cawdaan sida madaxda shirkan ka qayb-galaya ay ula dhaqmeen.

PUNTLAND POST