JENERAAL GOROD: Ciidamada Xasilintu waa in si Wanaagsan ay ula dhaqmaan Ciidanka kale

Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidamada xoogga dalka, ayaa uga digay ciidanka xasilinta Muqdisho inay si aan wanaagsanayn ula dhaqmaan ciidamada kale ee dowladda Somalia, gaar ahaa Millateriga, kaddib markii ay maalmahan soo laalaabteen iska-horimaadyo u dhexeeya ciidanka millateriga iyo kuwa xasilinta.

Jen. C/weli Jaamac Gorod oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haddii ay ciidamada xasilintu la kulmaan ciidamada kale ee dowladda oo hub wata inay weydiiyaan aqoonsiyadooda, laakiinse aan loo baahnayn inay si xun ula dhamaan.

“Saraakiisha ciidamada xasilinta waxaa laga doonayaa inay aqoonsiyadooda weydiiyaan, ka hor inta uusan dhicin gacan-ka-hadal dhexmara, taasoo ah mid cawaaqib-xumo horseedaysa,” ayuu yiri Jen. Gorod.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in Ciidamadan xasilinta ay si xun ula dhaqamaan saraakiisha ciidanka ee aqoonsigooda la soo baxa, haddii ay taas dhacdana dambi lagu qaadi doono askarigii falkaas ku kaca.

“Ciidamada xasilinta caasimadda u xilsaaran waajibka laga rabo waxa weeye inay ixtiraamaan ciidanka kale ee Qaranka ee dhibaatada aan wadin oo aad si deggen oo aan xaqaan lahayn, xabad lahayn, canaan lahayn u weydiisaa aqoonsigooda iyo meesha uu ka tirsan yahay,” ayuu yiri Jen. C/weli Gorod.

Sidoo kale, Taliyaha oo sii hadlaya ayaa mar kale yiri. “haddii aqoonsigiisa uu saxan yahay waad sii daynaysaan, waayo ciidanku saraakiil xukunta ayay leeyihiin. Haddii sarkaal uu teesarihiisa kula soo baxo inaad si xun ula dhaqanto mid suuro-gal ah ma ahan, ninkii galana dambi ayuu qaadanayaa.”

Dhanka kale, Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa dhanka kale ciidamada xoogga dalka ugu baaqay inay ka digtoonaadaan inay fasax la’aan xeryahooda ka baxaan, isagoo xusay in askarigii fasax la’aan lagu qabto magaaalada inuu isagu qaadi doono mas’uuliyadda dhibaatadii ka timaadda.

Ugu dambeyn, Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya iyadoo dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay Muqdisho dhawr jeer ku dagaallameen Muqdisho, sababo la xiriira khliaafyo soo dhex-galay, waxaana dagaalladaas ay sabab u noqdeen dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan oo dhinacyada soo gaaray.

PUNTLAND POST