Itoobiya oo sheegtay inay dhisanayso ciidamo badda ah, iyadoo aan lahayn wax bad ah

Addis Ababa (PP) ─ Dowladda itoobiya oo aan lahayn Bad ayaa qorsheynaysa inay dhisato ciidanka Badda, kaddib markii ay dhameystirtay ciidamadeeda cirka iyo kuweedii dhulka, kuwaasoo maanta ka mid ah ciidanka ugu awooda badan Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Cali ayaa hadalkan ka sheegay shir uu la qaatay madaxda ciidamada difaaca Qaranka dalkiisa, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay ciidamadeeda ku horumariso.

“Kaddib dadaaladii aan ku dhisnay Awooeenna, ayaa waxaan doonaynaa in aan dhisno ciidamadeenna Badda, waayo waxaan horay u dhisnay ciidanka ugu xooggan dhulka iyo cirka ee Afrika,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa xilligan leh machad lagu barto cilmiga Badaha oo ku yaalla harada Tana, kaasoo sanadkiiba soo saaraa 500 oo ruux oo isugu jira Injineerro badda ah, farsama-yaqaanno iyo saraakiil ciidan, waxaana la qorsheynayaa in la kordhiyo, lana gaarsiiyo sanadkiiba illaa kun ruux.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa bishii May ee sannadkan Dowladda Sudan lasoo saxiixday heshiis lagu hormarinayo Dekedad Port Sudan ee badda cas, sidoo kale waxay Jabuuti ku heshiiyeen inay is weydaarsadaan Dekedaha, duulimaadyada iyo isgaarsiinta.

Dhanka kale, Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa waxay badeecooyinkooda ka soo dagsataa Dekedaha Berbera iyo Jabuuti oo ay alaabaha kala soo degtaa, inkastoo uu muran ka taagan yahay saamiga ay dekedda Berbera ku yeelatay kadidb heshiis sannadkan horraantiisii la galay.

Ugu dambeyn, Dadaalka Dowladda itoobiya ayaa u muuqda mid ay doonayso inay ku xoojiso awooddeeda, iyadoo dhawaan Kenya ay siisay dhul ay ka dhisato deked ay badeecooyinkooda kala soo dagto.

PUNTLAND POST