Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee Somalia oo si Rasmi ah ula Wareegay Xilka

Muqdisho (PP) ─ Munsaabad ka dhacday Muqdisho, ayaa waxaa xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Dalka, Avv. Baashe Yuusuf Axmed.

Munaasabadan oo maanta dhacday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; wasiirka cadaaladda Somalia, xeer-ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyahii hore ee Maxkamadda sare iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyahii hore ee maxkamada Sare ee daka, Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in muddadii uu joogay uu qabtay waxyaabo badan, isagoo ku dhaliilay hay’adaha fulinta ee Dowladda Federaalka Somalia inaysan kasoo dhalaalin hawlaha loo xil-saaray.

“Muddadii aan xilka hayay waxaan la kulmay caqabado badan oo ay ugu horreyso fulin la’aanta go’aannada, xukummada, amniga garsoorka kasoo baxa, qofka muwaadinka ah oo wixii loo xukumay inta uu ku dacwoonayey waxaa ka dhib badan inta uu doonayo in loo fuliyo wixii loo xukumay,” ayuu yiri Avv. Iidle.

Sidoo kae, Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Avv. Baashe Yuusuf oo isna halkaas hadal ka jeediyay ayaa u mahadceliyey guddoomiyahii hore iyo shaqada uu qabto.

Guddoomiye Baashe ayaa xusay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo isla garteen sameynta dib u habeynta garsoorka oo ay ugu horreyso helista guddiga adeegga garsoorka.

“Madaxweynaha waxaan ku ballanay inaan sameynno dib u habeyn ballaaran oo garsoorka ah, waxaana muhiim ah in la helo golihii adeegga garsoorka,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka.

Ugu dambeyn, Dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ee May ayuu Madaxweyne Famaajo u magacaabay guddoomiyaha maxkmaadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed isagoo xilkii ka qaaday gudoomiyahii hore Avv. Ibraahim Iidle Suleymaan.

PUNTLAND POST