Kooxo hubeysan oo Askar iyo Qof shacab ah ku dilay Gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan saddex qof oo lab aka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada Somalia ayaa maanta lagu dilay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo kooxihii dilkaan geystay ay goobta ka baxsadeen.

Dilkan oo ka dhacay boosteejada laga raaco gaadiidka aada Baydhabo, ayaa waxaa la sheegay in kooxaha hubeysan iyo askartu ay is-rasaaseyn ku dhex-martay, balse la toogtay labadii askari, isla markaana qof rayid ah oo isna ku sugnaa goobta ay haleeshay mid ka mid ah rasaasta.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha dilka geystay ay ka koobnaayeen laba qof ayna wateen bastoolado, dilka kaddibna ay si fudud uga baxsadeen goobta.

Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa dhawaanahan kusoo badanayay dil ay geysanayaan kooxo bastoolado ku hubeysan, waxaana bisha Ramadaan oo keliya lagu dilay gudaha suuqa bakaaraha dhawr oo isugu jiray shacab iyo askar.

Dhanka kale, Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa maalmo ka hor ku toogtay gudaha suuqa Bakaaraha laba ruux oo la sheegay inay Al-shabaab ka tisranaayeen, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen ciidamada balse ay isku dayeen inay dagaalamaan, kaddibna la toogtay.

Tan iyo markii ay billaabatay Bisha Ramadaan waxaa Muqdisho lagu dilay in ka badna 30-qof oo shacab iyo askar isugu jiray, kuwaasoo si maalin ah ay kooxo hubeysan ugu dilayeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Goobtii uu maanta ka dhacay dilka ayaa waxaa gaaray ciidan ka tirsan kuwa amniga dowladda Somalia, kuwaasoo baaritaano goobtaas ka sameeyay, inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen.

PUNTLAND POST