Gaadiid ay ku xiran yihiin Qalab Qarxyada ka hor-taga oo lagu Wareejiyay Booliska DFS

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Talyaaniga ayaa taliska booliiska Soomaaliyeed ku wareejiyey maanta seddex baabuur oo labo ka mid ah ay yihiin BMW iyo mid VW ah, kuwaasoo ay ku xiran yihiin qalab fududeynaya sidii looga hor-tegi lahaa Qaraxyada iyo daba-galka dambiyada.

Safiirka Talyaaniga ee Somalia ayaa Taliyaha ciidanka booliiska Somalia Jen. Bashiir Cabdi Maxamed – ku wareejiyay Furayaasha baabuurtaan, waxaana safiirka uu ka warbixiyay qalabka ku xiran gaadiidka kuaaso ah kuwo looga hor-tagayo Qaraxyada.

Taliyaha booliiska Somalia, Jen. Bashiir Ameeriko oo isna dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaadiidka maanta ay ku wareejisay dowladda Talyaaniga ay wax badan ka beddeli doonaan xaaladda Amni ee Muqdisho.

Gaadiidkan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo Somalia ay ka hesho mid ka mid ah dalalka taageera, waxaana ay kusoo beegmayaan iyadoo ay dalka ka jiraan qaraxyo khasaare badan geysta oo ay fuliyaan xoogag taabasan Al-shabaab.

Dhanka kale, Ciidamada Amniga Somalia ayaa waxay xilliyadii dambe si aad ah la tacaalayeen qaraxyada laga geysto Muqdisho, inkastoo xilliyadii ugu dambeeyay ay yaraadeen qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

Ugu dambeyn, Qaraxyada ay geysato Al-shabaab ayaa waxaa intooda badan loo adeegsadaa gaadiid, iyadoo aan la ogeyn in qalabkan cusub ay warbixin ka bixin doonaan inta aanay qaraxyada ismiidaaminta ah dhicin.

PUNTLAND POST