Al-shabaab oo weerartay gaadiid kusii jeeday degmada Qurac-joome ee Gobolka Bakool

Xudur (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku aaday maanta gaadiid xamuul siday oo ku socday degmada Qurac-joome ee Gobolka Bakool, Waxaana lagu dilay weerarkaas hal qof  oo ka mid ah dadkii gaadiidkaas la socday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaadiidka la weeraray ay sideen xamuul kala duwan oo isugu jira raashin iyo agab kale, iyadoo la sheegay in afar gaari oo keliya ay ka baxsadeen Al-shabaab, kuwaasoo gaaray Qurac-joome oo ay ku socdeen.

Sidoo kae, Wararka ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen gaadiid fara badan oo xamuul siday ayna goobta ka kaxeysteen, iyadoo falkan uu ka mid noqonayo falal kala duwan oo noocooda ah oo ay kooxdu ka geysato Gobolka Bakool.

Gobolka Bakool oo intiisa badan ay ka taliso Dowladda Somalia ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ay ka geysanayso kooxda Al-shabaab oo ay ka mid yihiin inay beegsadaan gaadiidka xamuulka ah ee degmooinka gobolkaas isaga gudba.

Dhanka kale, Lama oga halka ay Al-shabaab la aaday gaadiidkii ay xoogga ku qabsadeen, marka laga reebo afartii gaari ee ka baxsaday, sidoo kalena lama oga tirada gaadiidka ay Al-shabaab kaxeysatay.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Bakool ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaan weli ka hadlin dhacdada ay maanta kooxda Al-shabaab ka geysatay gobolka Bakool ayna ku dishay halka qof, gaadiid fara badanna ay ku qafaasheen.

PUNTLAND POST