Mareykanka oo sheegay inay tiro Al-shabaab ah ku dileen duqeymo ay ka geysteen Somalia

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeymo cirka ah oo ay diyaaradahoodu ka fuliyeen duleedka Muqdisho ay ku dileen 12 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida.

Duqeyntan oo dhacday Khamiista maanta ah ayaanay Dowladda Somalia ka hadlin weli, sidoo kalena kooxda la beegsaday ee Al-shbaaab ayaan iyaduna ka hadlin duqeyntan, lama oga in xubnaha la dilay ay ku jireen saraakiil iyo in kale.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sanadkan lagu jiro ka fuliyay Somalia 15 duqeyn oo cirka ah, kuwaasoo lagu beegsanayay qaar ka mid ah xubnaha Al-shabaab, kuwaasoo intooda badan laga fuliyay qaar ka mid ah deegaannada ay kooxdan ku xooggan tahay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in la kordhiyo duqeymaha lagu bartillmaameesanayo xoogagga Al-shabaab ee Somalia, iyadoo wararku ay sheegayaan in lagu dilay duqeymahan xubno sare oo kooxda ka tirsan.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay in duqeymihii ay diyaaradahooda aan cidna wadin ee Drones-ku ka fuliyeen Somalia ay ku dileen in ka badan 500 oo dagaalyahan oo kooxda Al-shabaab ah, inkastoo aan la sheegin inay ku jiraan saraakiil sare.

Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaan sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaartay duqeyntii ay maanta ku dileen xubnaha Al-shabaab, shacabka ku nool deegaanka laga fuliyay oo 30-mayl kaga beegan Muqdisho dhanka Koonfur-galbeed.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Washington ayaa sannadihii u dambeeyay ku beegsanaysay Al-shabaab duqeymo cirka ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen kuwo lagu dilay xubno sare oo uu ka mid yahay hoggaamiyihii hore ee ururka Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

PUNTLAND POST