Madaxweyne Farmaajo: Al-shabaab Cadow kuma aha Shacabka Sooamaliyeed oo keliya

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somaila, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalin ka hor booqday Kenya ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in kooxda Al-shababa aysan ahayn cadowga Somalia oo keliya, balse ay yihiin cadow ay leeyihiin dadyowga ku nool Bariga Afrika.

Farmaajo ayaa sheegay in kooxdan ay si aan kala sooc lahayn u laynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee gobolka, isagoo wax aan jirin ku tilmaamay sheegashadooda ah inay u dagaalamayaan diinta Islaamka.

“Al-shabaab oo ka mid ah kooxaha argagaxisada ah waxay wadaan dagaallo ay si aan kala-sooc lahayn ugu laayaan dad aan waxba galabsan. Waxayna weerarradooda naxariis-darrada ah ka fuliyaan Somalia iyo dalalka gobolka oo ay ku jirto Kenya,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa in kooxdan ay cadow ku tahay gabi ahaan dadka nabadda jecel ee ku nool Soomaaliya iyo Waddamada kale ee gobolka Bariga Afrika.

“Puntland ayaa ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha argagaxisada ah ee dhibaatada iyo cabsida ku haya shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool,” ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa ku daray inay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan sidii dalka uu nabad ku noqon lahaa, isagoo intaas ku daray in xasilinta Somalia ay gacan weyn ka geysanayaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

“Askarta ka socda Waddamada Soomaaliya la jaarka ah waxay dalkeenna ku bixinayaan wax walba oo ay awoodaan si ay u nabadeeyaan dalkeenna, waana mid aan uga mahad-celinayno,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha DF ayaa sheegay inay ballanqaadayaan inay Somalia nabad kusoo celiyaan, isla markaana ay cagta marin doonaan kuwa cadowga ku ah nabadda iyo xasilloonida Somalia iyo dalalka kale ee gobolka.

PUNTLAND POST