Dagaal dhimasho sababay oo Muqdisho ku dhex-maray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada


Muqdisho (PP) ─
Ugu yaraan shan askari ayaa lagu dilay tiro kalena way ku dhaawcmeen dagaal culus oo gellinkii dambe ee maanta Muqdisho ku dhexmaray ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Somalia oo uu muran soo dhex-galay.

Dagaalkan ayaa oo ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee Muqdisho ayaa la sheegay inuu daba-socday dilal ay ciidammo ka tirsan kuwa xasillinta Muqdihso maanta u geysteen laba qof oo la sheegay inay ciidamada millateriga Somalia ka tirsanaayeen.

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ayna qalqal geliyeen isku socdka dadka iyo gaadiidka oo xilliga dagaalku dhacayay ahaa goob mashquul ahayd.

“Ciidamada dagaalamayay waxay kala ahaayeen millateri iyo nabad-sugid, gaar ahaan kuwa xasilinta Muqdisho, waxaana dagaalku uu ahaa mid aad u culus,” ayuu yiri goobjooge la hadlay Puntlandpost oo sheegay in weli ay ka taagan tahay goobtaas xiisad colaadeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada millateriga ay weerarka qaadeen ayna ka caroodeen laba askari oo saakay ciidamada xasilinta Muqdisho ay dil ugu geysteen degmada Dharkeynley gaar ahaan xaafadda Xoosh ayna qoryihii ka qaateen.

Dhanka kale, Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo saraakiil ayaa goobta uu dagaalku ka dhacay gaaray, kuwaasoo ku guuleystay inay xabada joojiyaan, inkastoo ay weli xiisadi taagan tahay.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Somalia ay ku dagaallamaan Muqdisho, waxaana dhawr jeer oo dhacday inay dagaallo khasaare badan geystay ay dhexmaraan ciidammo kawada tirsan dowladda intoosa lagu guuleystay in xal laga gaaro.

PUNTLAND POST