Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqasho ku tagay Xerada Kumaandoosta Soomaaliya

Balli-doogle (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeellada Hoose oo ah saldhig ciidamada Mareykanka ku tababaraan Kumaandooska Somalia ee Danab.

Garoonka Balli-doogle oo ahaa garoon ay leeyihiin ciidamada cirka Somalia ayaa hadda ah xero ciidan oo ay kuwada sugan yihiin AMISOM, ciidamada Kumaandooska Somalia iyo ciidammo Mareykan ah oo aan tiradooda aan si dhab ah loo ogeyn.

Socdaal RW Somalia uu ku tagay xeradaas ayaa ah middii labaad, isagoo u booqdan sidan oo kale sannadkii lasoo dhaafay, waxaa kormeerka maanta ku wehliyay Wasiirka cusub ee gaashaandhigga Xasan Cali, abaan-duulaha ciidamada xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la hadlay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay ka qayb-qaataan difaaca dalka, iyadoo ay tani imaanayso xilli dowladda FS ay ku baaqaysay bilihii u dambeeyay dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Mareykanka ayaa dhawaan ballaarin ku sameeyay Garoonka Balli-doogle oo ah meel istiraatiiji ah, wuxuuna qaybsan yahay dhowr qeybood oo isugu jira qeybo diyaaradaha ka soo degaan iyo qeybo kale.

Ugu dambeyn, Booqashadan ayaa imanaysa iyadoo amniga Muqdisho uu aad u sii xumaanayo, isla markaana ay dowladda Somalia doonayso inay xoojiso amniga guud ee caasimadda oo ay dhibaato kawaddo Al-shabaab.

PUNTLAND POST