Madaxda Maamul-goboleedyada oo looga Digay inay Fara-geliyaan Xiisadda Galmudug

Cadaado (PP) ─ Maamulka Galmudug ayaa weli waxaa ka dhex-taagan muran ku aaddan dhanka awoodda, kaasoo soo if-baxay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xaaladdu ay isku sii shareeraysaa cirka.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo hoggaaminaya garab ka mid ah garabyada uu u kala jabay maamulkaan oo fariisintoodu tahay degmada Cadaado ayaa walaac ka muujiyay in madaxda maamul-goboleedyada dalka ay la saftaan Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Carrabey ayaa ka codsaday hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada dalka in haddii ay arrintan soo fara-gelinayaan ay tahay inay si dhex-dhexaadnimo ah u soo galaan, haddii kale ay dibadda ka joogaan.

“Waxaan rabaa inaan u digo madaxda dowlad-goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan, waxaan adinka codsaneynaa Madaxda maamullada ka jira dalka inaad dhammaantiina taageertaan Mowqifka Galmudug, haddii aad arrintan soo fara-gelinaysaanna si dhex-dhexaadnimo ah aad kusoo gashaan,”aAyuu yiri Madaxweyne Carabey.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qof walba oo dhex-dhexaadinaya Xaaladda Galmudug, wuxuuna Dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay arrintan soo fara-geliyaan, si looga gudbo mad-madowga jira.

Dhanka kale, Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka Sare ee laga soo doortay dowlad-goboleedka Galmudug ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in la ilaaliyo nidaamka awood-qaybsi iyo dastuurka Galmudug uu leeyahay.

Hoose ka dhageyso Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

PUNTLAND POST