Kooxo hubeysan oo aroornimadii saaka dilal qorsheysan ka geystay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Kooxo aan haybtooda la garanayn ayaa laba ruux saakay aroortii hore ku toogtay degmada Wadajir, gaar ahaan waaxda Tima-cadde, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Wadajir.

Dilalkan oo ahaa kuwo qorsheysna ayaa lagu dilay macallin dursi Qur’aan ku dhiga xaafaddaas iyo nin hilible ah, iyadoo kooxaha dilkaas geystay ay goobta ka baxsadeen.

“Rag hubeysan oo aan la garanayn ayaa toogasho ku dilay laba ruux oo ka mid ah dadka deegaanka, waxaana macallinka lagu dilay gurigiisa, iyadoo la dilay nin hilibka iibiya oo lagu magacaabi jiray Muxyadiin Cosoble,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Goobjoogayaasha ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay aan la garanayn, sidoo kalena aan la ogeyn sababta keentay inay dilaan macallinka iyo ganacsadahan hilibka iibiya.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan, waxaana uu noqonayaa dilal 24-kii saac ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwna uga dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay geysteen kooxo hubeysna oo aan haybtooda la garanayn.

Shalay gellinkii dambe ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay Muqdisho ku dileen madaxii Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo askari ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu kala dilay degmooynka Hodan iyo Boon-dheere.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin dilalka aad u soo kordhaya ee Muqdisho ka dhacaya, iyadoo aysan jirin cid loo qab-qabtay marka la reebo laba ruux oo loo qabtay dil askari ka tirsan taraafiko ah oo lagu dilay isgoyska bakaaraha ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia ayaa kordhiyay dilalka ay kooxaha hubeysna ka geysanayaan Xamar, xilli Dowladda Somalia ay sheegtay inay xoojinayso amniga guud ee Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan.

PUNTLAND POST