Duqa Magaalada Muqdisho oo ka Warbixiyey Qorshaha Xasillinta Ammaanka Caasimadda

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) oo ka hadlayay shir lagu falan-qeynayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sugayo Amiga caasimada.

Inj. Yarisow ayaa ka hadlay Qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan ammaanka caasimadda ee xiligan ku soconaya dar-darta, isagoo tilmaamay in waqtigan ay jirto rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo ammaanka caasimaddu inuu soo hagaago, isla markaana la diyaariyey qorshe sal-ballaaran kana qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamadda oo lagu xasilinayo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.

Sidoo kale, Mudane Yarisow ayaa soo bandhigay horumarradii laga sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, daadajinta maamulka, u-diyaar garowga golleyaasha deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba, iyadoo degmooyinka Muqdisho ay ka bilowdeen bixinta adeegyada bulshada oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya isku xirka shacabka iyo maamulka.

“Shirkan oo looga hadlayay xasillinta amniga guud ee dalka, anagu waxaan soo hordhignay qorshaha sugidda amniga Caasimadda iyo xaaladaha guud ee magaalada, gaar ahaan guulihii la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale waxaan soo bandhignay muhiimadda ay leedahay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha iyo wax-u-qabashada dadkii ay sameeyeen roobabkii dhowaan da’ayey”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo intaas raaciyey in aragtida maamulkiisu ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho maqaamkii ay ku lahayd adduunka.

Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay hadafkooda ku aadan in dib loo howlgeliyo garoonka Stadium Muqdisho, maadaama uu weli deegaan u yahay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, si uu u buuxiyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaadan jiray isdhexgalka iyo isku xirka bulshada.

Ugu dambeyn, Kulankan oo Shir guddoomineyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku soo bandhigeen maamul Gobolleeyada dalka qorshahooda ku aadan sidii xal-maangal loogu heli lahaa xasilinta deegaanadooda, dalkana looga sifeyn lahaa argagixisada.

PUNTLAND POST