Ra’iisul Wasaare Khayre oo Addis Ababa kula kulmay Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasumada Dalka Itoobiya ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Khayre iyo Moussa ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay nabad-galyada iyo xasilloonida guud ee Gobolka gaar ahaan Somalia oo sannado badan ay ka jireen colaado ragaadiyay horumarka dalka.

Sidoo kale, Khayre ayaa uga mahad-celiyay taageerada midowga Afrika ay la garab taagan yihiin Somalia iyo shaqada ay ka hayaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gudaha Dalka.

RW Khayre, ka hor inta uusan kasoo dhoofin Addis Ababa Waxaa kaloo uu la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Nabadda iyo Amaanka ee Midawga Afrika, waxayna ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo qorshaha ay ciidanka Somalia ugala wareegayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM guud ahaan Amniga Qaranka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa wuxuu kulamo kula yeshay Wasiirka arimaha dibadda iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ay ka wada hadleen arima badan oo labada dal dan u ah.

Ugu dabmeyn, Booqashada RW Soomaaliya uu ku tagay Itoobiya oo salka ku haysay sidii uu u hor-joogsan lahaa taageerada ay Itoobiya siiso maamullada dalka ka jira ayaan wax badan laga ogeyn go’aannadii kasoo baxay.

PUNTLAND POST