Wasaarada Amniga oo Qoraal kasoo saartay Xildhibaan lagu Rasaaseeyay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Amniga Qaranka Somalia, ayaa war kasoo saartay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka ciidanka NISA ay ku leeyihiin agagaarka Isgosyka FIAT, kaasoo gaari uu saarnaa xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka gudbay koontaroolkaas rasaas lagu furay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in goobtaas ay ka dhacday hal xabad, taasoo askari ka tirsan Ciidamada NISA uu digniin ahaan ugu riday gaariga, kaddib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta koontaroolka.

“Wasaaradda Amniga waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada baarlamaanka la wadaageysa shilkaan kooban oo 5:30 galabnimo Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay barta koontaroolka ciidanka Amniga ay ku leeyihiin KM-0 ama Isgoyska FIAT ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkan.

Sidoo kale, War-murtiyeedkan ayaa lagu xusay in Wasaaradda Amniga ay billowday baaritaan la xiriira dhacdadaas. Waxaana falkan loo yeelay wajiyo badan oo ay ka mid yihiin in la doonayay in xildhibaanka lagu dilo.

Wasaaradda Amniga Qaranka, ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay warar aan sal lahayn ee laga faafiyay ciidamada ammaanka, iyadoo ugu baaqday xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta dowladda inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qayb-qaadashada wararka lidka ku ah cidanka amniga oo qal-qal galinaya xasiloonnida iyo dowladnimada.

Dhanka kale, Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la rasaaseeyay gaari uu saarnaa oo ahaa kuwa aan xabadaha karin, kadib markii uu ka gudbay koontaroolka ciidanka NISA, isla markaana uu markii hore askariga NISA uu toos ula eegtay xabadda.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Nuur oo ah Guddoomiyaha kutlada Baarlamaaniga ah ee mucaaradka ayaa sheegay inuu ahaa isku-day la doonayay in isaga lagu dilo, isla markaana uu dhowr jeer farriimo hanjabaad uu kala kulmay ciidamada NISA, taasoo uu la wadaagay guddoomiyaha baarlamaanka.

PUNTLAND POST