Puntland iyo Somaliland oo loogu baaqa inay joojiyaan dagaalka u dhexeeya


Muqdisho (PP) ─
Beesha Caalamka ayaa walaacsan xooggan ka muujiyay isku-dhacyada hubaysan ee u dambeeyay ee ka socda agagaarka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, una dhexeeya Puntland iyo ‘Somaliland’, Waxayna ku baaqayaan xabbad-joojin deg-deg ah.

Dagaallo culus oo u dhexeeya maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa ka dhacayay deegannadaas muddo dhawr toddobaad ah, waxaana dagaalladaas ay sababeen khasaare badan oo isugu jirta naf iyo maal, waxaana dagaalkan uu salka ku hayaa muran dhanka maamulka ah.

Saaxiibbada Somalia ee Caalamka ayaa ugu baaqayaan labada dhinac inay si dhakhso ah u hakiyaan Dagaalka, ay billaabaan Wada-hadallo dhex-mara Taliyeyaasha Ciidammada goobta ku sugan, xaqiijiyaan gaarsiinta gar-gaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

Beesha Caalamku waxay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar – isku-dhacyadu waxay keliya uga sii darayaan dhibaatada haysata dadka ku nool deegaanka.

Ugu dambeyn, QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dalalka Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ugu baaqayaan dhamaan dhinacyada inay dhawraan nabadda.

PUNTLAND POST