Maxkamad soo Gunaanaday dhageysiga Dacwadda Rag Weerar ka Geystay Muqdisho


Muqdisho (PP) ─
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa soo gabagabeysay dacwad loo haysto raggii ka dambeeyay weerarkii 28-kii bishii Oktoobar ee sannadkii hore lagu qaaday Hotelka Naasahablood Laba ee Muqdisho.

Dhageysiga Dacwadda Raggan ayaa muddo soo socotay, Waxaana Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidanka Qalabka sida ay ku soo eedeeyeen saddex eedeysane inay ka dambeeyeen weerarkaas.

Eedeysanayaasha ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Farxaan Maxamed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buulle oo ay qabteen ciidamada dowladda markii lasoo gaba-gabeeyay weerarkii Hoteelka Naasahablood Laba.

Sidoo kale, Xafsiika xeer-ilaalinta ciidamada ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada goobjoogga ka ahaa dhageysiga dacwaddan in raggaan lasoo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaas.

Waxaa eedeysanayaasha la weydiiyay su’aalo ku aaddan dacwaddooda balse waxaa la sheegay inay qirteen inay ka dhamaatay rasaasta ay weerarkaas u isticmaalayeen, waxayna dalbadeen in la cafiyo.

Garyaqaannada ifaacayay raggan ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon Al-shabaab, laakiinse ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto haddii ay qirsan yihiin inay geysteen weerarkaas dadka badani ku dhinteen.

Dhanka kale, intii ay dacwadu socotay ayaa waxaa la dhageystay saraakiil ciidan iyo dad shacab ah oo markhaatliyaal ahaa, kuwaasoo xaqiijiyay inay saddexdan qof geysteen xasuuq ba’an intii uu weerarku socday.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Soomaaliya, ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qayb-galayay Dhageysiga dacwdan inay go’aanka maxkamadda dib kasoo saari doonto.

Ugu dmabeyn, Weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood Laba oo dhacay laba toddobaad kaddib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Isgoyska Zope, ayaa waxaa lagu dilay 17 qof oo isugu jiro siyaasiin, saraakiil, haween iyo caruur, iyadooo ay ku dhaawameen in ka badan afartan qof.

PUNTLAND POST