Duufaano kale oo la filayo inay ku dhuftaan Deegaannada Puntland


Muqdisho (PP) ─
Duufaan ka kacday Waqooyiga badda Hindiya, ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illaa muddo saddex ama afar maalmood ah. Duufaanta ayaa halis gelinaysaa maraakiibta isaga-goosha Somalia iyo dalalka gacanka, waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan.

Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khaasaraha ka dhalan kara duufaanta la filaayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika.

Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka,

Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka.

Khasarahii dhawaan ka dhashay duufaanta

Somaliland; Maamulka Somaliland waxay sheegtay in 31 ruuxx ay ku naf-waayeen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan.

Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo.

Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal,Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Saylac

Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayiranaa halkaasi laga daadgureeyay.

Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi.

Jabuuti; Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata.

Xigsho: BBC

PUNTLAND POST