Ra’iisul wasaare Khayre oo daah-furay Imtixaanada shahaadiga ah ee Dalka

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa daah-furay maanta Imtixaanaadka mideysan ee Shahaadiga ah Dugsiga Sare oo maanta ay u fariisteen arday gaarasa 27,600.

Dugsiga 15-ka May oo uu ka dhacayay imtixaanaadkaasi oo si weyn loo adkeeyey Amnigiisa – ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Wxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay daah furka Imtixaanaadkaasi ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarka daka, in wax la bartana ay astaan u tahay dib u dhiska dalka.

“Waxaan u mahad celinayaa Aabayaashii iyo Hooyooyinkii ka soo shaqeeyey in caruurtooda ay soo gaarsiiyaan halkaan, Innagana ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonaa insha allh si arday walbo uu fursad u heli lahaa,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahad-celiyey cid waliba oo howshaan kasoo shaqeysay, gaar ahaana wasaaradda waxbarashada dalka.

“Waa Iftiin qaranimo Soomaaliyeed ay ka muuqato, Waa Horumar uu wadankeenu ku tilaabsanayo, waxeyna ahaan doontaa howlaha saldhiga u ah xukuumaddu iney ka shaqeyso,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay.

Ugu dambeyn, Muqdisho iyo Gobolada Dalka Qaarkood ayaa waxaa maanta ka bilowday Imtixaanka mideysan ee shahaadiga ah, kaasoo ah markii saddexaad ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay qabato, tan iyo burburkii Dowladdii Dhexe.

PUNTLAND POST